50 sano ayaa kasoo wareegtay markii la aas-aasay ururka Midowga Afrika, markaas oo dawlado dhowr iyo soddon ah oo ay Somalia ka mid ahayd ay dhidibada u taageen Faahfaahin
Lix qof ayaa ku dhimatay xalay ilaa maanta Gobolka Waqooyi Bari ee Kenya. Laba qof ayaa xalay dablay aan la garanayn ay ku toogteen magaalada Gaarisa; halka saddex kalena lagu toogtay xerada IFO ee Dhadhaab. Faahfaahin
Guddiga Runta, Cadaaladda iyo Dib u-heshiisiinta Qaran ee Kenya, ayaa soo saaray warbixin ka hadlaysa baaritaanno ay ku sameeyeen xadgudubyadii kala duwanaa ee dalka Kenya, kuwaasoo ay ku jiraan Xasuuqii 84kii ka dhacay deegaanka Wajeer. Faahfaahin
Wararka ka imanaya magaalada Gaarisa ee gobalka Woqooyi-beri ee Kenya ayaa sheegaya in caawa fiidkii laba qof oo rayid ah lagu dilay badhtamaha magaaladaasi. Faahfaahin
Hal qof ayaa ku dhintay iska hor imaad xooggan oo kooxo Islaamiyiin ah oo banaanbaxayay iyo booliska ku dhex maray meel duleedka ka ah caasimadda dalkaasi ee Tunis Faahfaahin
Degaanka Mandera ee gobolka Waqooyiga Bari ee Kenya waxaa ku sii qulqulaya ciidamada milateriga iyo booliska si ay hubka uga dhigaan maliishiyad maxalli ah iyo kuwo ajaanib ah oo ka qeyb qaatey dagaal halkaasi ka dhacay. Faahfaahin